DEG DEG: Kooxo hubeysan oo Caawa Xildhibaan ku dilay Muqdisho

Read Time:29 Second

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Caawa Xildhibaan ay ku dileen Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Ruqiya Abshir Nuur oo ka mid aheyd Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Caawa lagu khaarajiyay Degmada Shibis, kadib markii Kooxo hubysan ay u dhaceen hooygeeda.

Taliyaha booliska degmada Boondheere Cabdi Wakiil Cabdilaahi, ayaa  sheegey in Ruqiyo loo qaaday xarrumaha caafimaadka, kadib weerarkaasi, balse ay nafta ka baxdey markii la geeyay cisbitaalka.

Weerarka, ayaa ka dhacay agagaarka Maanabooliyo ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Dilka Xildhibaan Ruqiyo oo ka dhacay Caawa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %