DEG DEG :- Kenya Oo cadeeysay Mowqifkeeda Khilaafka DF iyo Dowlad Goboleedyada. — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG :- Kenya Oo cadeeysay Mowqifkeeda Khilaafka DF iyo Dowlad Goboleedyada.

Neyropi ( mareeg News ) Afhayeenka Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si cad u muujiyey mawqifka dowladiisa ay ka qabto khilaafka Soomaalida u dhexeeya.

Ducaale oo wareysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira labada dowladood ee jaarka ah, oo ay ka mid ahaayeen amniga, khilaafka badda iyo xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Mar la weydiiyey sida uu u arka khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Federal-ka iyo Maamul Gobolleedyada waxa uu Aadan Barre Ducaale sheegay in mabaa’diida dowladda Kenya ay ku dhisan tahay tahay in ay xushmeeyaan dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, Aadan Barre Ducaale waxa uu sheegay in maadama uu yahay siyaasi Soomaali ah uu jecel yahay in Soomaalida is xalliyaan oo ay maamul gobolleedyada la shaqeeyaan dowladda Muqdisho ka dhisan.

Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada waxa uu soo jiitamayey muddo bilo ah waxa uuna hadda gaaray meeshii ugu xumeyd. Hase ahaatee, waxaa socda dadaalo lagu xallinayo oo uu wado Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Hadalka Aadan Barre ayaa imanaya ayadoo warar ay sheegayaan in dowladda Kenya laga yaabo inay madax goboleedyada Soomaaliya ka joojiso shirarka ka dhanka ah dowladda dhexe, oo ay ku qabsadaan magaalada Nairobi.

mareeg.com

Xafiiska Neyropi

Email: Info@mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!