DEG-DEG: Jenaraal sheegay inuu afgembiyey madaxweynaha Burundi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Jenaraal sheegay inuu afgembiyey madaxweynaha Burundi

Jeneraal ciidamada Burundi ka tirsan ayaa sheegay in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ay shaqada ka eryeen madaxwayne Pierre Nkurunziza, iyadoo rabshado ay ka dhasheen qorshihiisa dib u doorashada mar sadexaad.

Maj Gen Godefroid Niyombareh ayaa ku dhawaaqay in guddiga badbaadinta qaranka la dhisay si ay dalka u maamulaan.

Hase yeeshee, ma cadda inta ay la eg tahay taageerada isaga iyo saraakiisha kaleba ay haystaan.

Madaxwayne Pierre Nkurunziza ayaa hadda ku sugan Tanzania oo uu kula kulmayo hogaamiyayaasha bariga Africa si ay dhibaatada Burundi uga wada hadlaan. La taliyayaashiisa ayaa ku tilmaamay afgambiga mid “kaftan” ah.

Burundi's President Pierre Nkurunziza talks to the media during a joint press conference with European Union Commission President Jose Manuel Barroso, unseen, at the end of their meeting  at the EU Commission headquarters in Brussels, 5 December 2005.
Madaxweynaha Burundi, Peirre Nkurunziza

Madaxwayne Nkurunziza ayaa dhawaanahan dhegaha ka fureysanayey baaqyo uga imaanayey caalamka oo looga dalbanayey inuusan mar kale isu soo taagin xilka madaxweynaha oo uu soo qabty labo jeer oo hore.

Booliiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas dhab ah ku riday dad ku dibadbaxaya caasimadda Bujumbura Maanta.

Xasilooni daradu waxay bilaabatay 26 April waxaana ku dhintay in ka badan 20 qof. Burundi ayaa ah dal yar oo ciidamo dhowr kun ah ka joogaan Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!