Mareeg Media
Somalia

DEG DEG :- Hoggaankii Ciidanka malatariga alshaab Oo Lagu dilay Duqeemo.

Duqeymo xoogan oo kadhacey gobolka Jubada dhexe oo lagu laayey sarakiil iyo xubna sare oo katirsan alshabaab.

Magaalooyinka Saakow, Jilib iyo salagle ayaa lasheegayaa in duqeymaha ay kadhaceen waxaan lagu beegsadey masuuliyiin sare oo kirsan alshabaab

SAAKOW

Ilo wareedyo muhiim ah aya sheegaya in Sakow lagu dilay amiirkii guud ee amniga xarakada Al shabaab Sheekh Jacfar Cali maxamuud iyo dhoor xubnod oo kale oo xiligaasi kusugnaa meel aan sidaasi ugu fugeyn halka amiirka lagu beegsadey.

JILIB

Geesta kale Degmada jilib aya lagu soo waramayaa in lagu laayay ciidamo iyo saraakiil lagu qiyaasey 73 ruux oo tababarka adag dhowaan loosoo xirey.

Ciidankan ayaa lasheegey in lagu wadey in maalinta ciida malinta ka horeysa weerar ku qaadan qeybo kamid ah magalada muqdusho sida laga soo xigtey sarakiil katirsan wardoon soomaaliya waxaana xiliga laduqeynayey lagu wadey in muxaadaro dhiira gelin ah u jeediyo Sheekh fu’aad shonqole.

Waxaana warku intaa ku daraya in guddoomiyihii degmada Jilib Sheekh Xasan Abuu Basma kamid ahaa xubnaha Duqeynta lagu diley.

SALAGLE

Dhanka Salagle ayaa lagu soo waramayaa in lagu beegsadey amiirka guud ee maletiriga alshabaab Sheekh Cismaan Adan macalin iyo ilaalo la socotay oo gaarayey 12 nin.

Duqeymo kale ayaa lasheegey in ay kadhaceen miyiga Degmada Jilib waxana weli la ogeen qasaaraha kadhashey maadaama isgaarsiinta ay liidato.

Diyaaradaha duqeynta fuliyey ayaa la’aamin san yahay in laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Faransiiska oo fadhiisankoodu yahay Dalka Jabuuti.

Waa weerarkii ugu qasaraha badnaa oo ay geestaan diyaaradaha huwanta ah ee Faransiiska iyo Mareykanka kuwaas oo lagu dilo amiiro iyo xubno tiradooda intaa la eg

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!