Muqdisho: Gudoomiye ku xigeenkii degmada Howlwadaag oo la dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Gudoomiye ku xigeenkii degmada Howlwadaag oo la dilay

Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa goor dhow toogasho ku dishay gudoomiye ku xigeenkii shanka Arrimaha Bulshada degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, xilli uu ku sugnaa degmada Wadajir.

Rag hubsan oo watay gaari ayaa la sheegay in ay isku hor gudbeyn gaarigii yaraa gaarigii uu saarnaa rasaas xooganna lagu furay, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay darwalkii gaariga gudoomiye ku xigeenka uu saarnaa.

Afhayeenka maamulka gobalka Banaadir Cali Seeko ayaa xaqiijiyay geerida mas’uulkaan “Waxaa isoo gaaray in kooxihii dhagar qabayaasha ahaa ay dileen gudmoomiye ku xigeenkii Arrimaha Bulshada ee degmada Holwadaag” ayuu yiri Cali Seeko.

Dilalka ay mas’uuliyiinta dowladda u geysanayaan ragga wata gaadiidka ayaa kusoo badanaya Muqdisho, iyagoo shalay dilay taliye ku xigeenkii Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Maxamuud Caddow Dhabarey, halka uu isku day dil ka badbaaday xildhibaan Maxamed Dalxa, balse la dilay darawalkiisa iyo mid ka mid ah ilaaladiisa.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!