DEG DEG:-Guddoomiyihii G/Gedo ee garabka Dowlada oo Arrin yaab leh xilka looga qaaday

Read Time:39 Second

Guddoomyihii maamulka Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka laga qaaday, iyadoo guddoomiye cusub lagu bedelay.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaa Gudaha ee Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Wareegto ka soo baxday Wasiir ku-xigeenka Arrimaa Gudaha ee Jubbaland ayaa sidoo kale lagu magacaabay Axmed Buulle Gareed inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland ee xil ka qaadista iyo magacaabista ka sameeyay Gobolka Gedo ayaa ka goostay maamulka Axmed Madoobe, wuxuuna taageersan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Dad badan ayey yaab iyo amakaag ku noqotay in wasiiru dowle keligiis taagan uu xil ka qaadis iyo magacaabis ka sameeyo Gobolka Gedo, isagoo ka amar qaadanaya Dowladda Federaalka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %