Guddiyada Tirinaya Codka Kalsoonida U Qaadida R/wasaare Saacid Oo La Dhaariyey

Read Time:38 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan xarrunta golaha Shacabka Soomaaliya, iyadoo maanta laga doodayo kalsooni siinta am u diidida R/wasaare Saacid iyo xukuumadda.

Arintaan ayaa timid kadib markii todobaadkii hore ilaa xildhibaano lagu sheegay 168 ay gudoonka baarlamaanka u giudbiyeen mooshinka kalsoonida loogagal noqonaya R/wasaare Saacid iyagoo sheegay inuu waajibkiisa gudan waayey.

Baarlamaanka ayaa loo weybiyey mooshinka oo qoraal ah, waxaana la filayaa in saaqcahada dhow laga dodo, go’aanna laga gaaro.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhaariyey guddiyada loo saaray iney tiriyaan codka kalsooni u qaadidda xukuumadda.

Cod u qaadista kalsoonida xukuumadda ayaa la filayaa iney ka horreysn doonto dood laga dhiibanayo mooshinka, waxaana hareeraha dhismaha baarlamaanka lagu wareejiyey ciidamada Gaashaan, nabadsugid iyo boolis.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %