DEG-DEG: Faroole Iyo Gaas Oo Isugu Soo Haray Wareega 3-aad
Garowe, Mareeg.com: Waxaa soo dhamaaday wareega 2-aad ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland, waxaana ku tartamay:
1- C/raxmaan Faroole oo helay: 31
2- C/weli Maxamed Cali Gaas oo helay: 18
3- Cali Xaaji Warsame oo helay 16
Waxaa xumaaday 1 cod,
Waxaa wareega 3-aad ku tartamaya C/raxmaan Faroole iyo C/weli Gaas.
Labadaan musharrax ayaa ku kala bixin doona cod hal dheeri ah oo waxaa guuleysan doona musharraxii hela 34 cod oo ka mid ah codadka xildhibaanada oo ka kooban 66 mudane.
Mareeg.com
Comments are closed.