Mareeg.com: Maanta waxaa markii 3-aad buuq ka dhashay kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo la doonayey in la horgeeyo mooshin ka dhan RW Cabdiweli Sheekh Axmed Maxmed.
Markaas ka hor waxaa xildhibaanadaas labo jeer oo kala duwan jeexjeexeen liiska xaadirinta xidlhibaanada kulanka ka qeybgelyey.
Sidoo kale, Ka hor inta aan la gaarin furiitaanka shirkii baarlamanka ee maanta, ayaa mudanayaal ka tirsan baarlamanka waxa ay galeen Xafiiska lagu Keydiyo Qoraalada Baarlamaanka, iyagoo oo Jarjaray Dhamaan Qoraaladii yaalay Xafiiskaasi.
Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kaloe lagu soo waramayaa in ay jar jareen fiilooyinka codbaahiyahii Baarlamaanka, xilli gudoomiye Jawaari uu ku hadlayay..
Prof Jawaari ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay isdajiyana oo buuqa yareeyaan, hasa ahaatee Xildhiaanada ayaa u muuqda kuwa dhawaqaasi uusan dhagahooda ku dhaceyn, xaalka xarunta Baarlamaanka ayaana ah mid faraha uu kasii baxayo.
Gudoomiyaha Baarlamaanka oo u muuqday mid si weyn uga careysnaa fowdada ka socota Kulanka Baarlamaanka ayaa isaga baxay Xarunta Golaha Shacabka, Xildhibaanada ayaana wali kusugan Xarunta Baarlamaanka.
Jawiga guud ee fadhiga ayaa ahaa mid qasan, waxaana gudaha xarunta daadsan waraaqado la jeex jeexay oo ahaa nuquladii mooshinka iyo waraaqadihii lagu diiwaan gelinayay xildhibaanada.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ayaa markii dambe iyagana iskood uga baxay xarunta Baarlamaanka kadib markii uu fashil kusoo dhamaaday Kulankii ay maanta u balansanayaeen Xildhibaanada Baarlamaanka oo la filiyay in mooshinka loogu qeybiyo Xildhibaanada..
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.