Translate to your language
DEG DEG:- Duqeen lagu Beegsaday Saraakiil Ajaanib ah Oo Ka dhacdayJubada dhexe — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:- Duqeen lagu Beegsaday Saraakiil Ajaanib ah Oo Ka dhacdayJubada dhexe

Duqaymo ayaa lagu soo waramayaa Xalay in ay ka kala dhaceen Degmooyinka jilob iyo Bu’ale oo kuwada tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Degmada Jilib waxa la duqeeyay xarun ay daganaayeen ciidamo loo yaqaano ilaalada ama (sariyada Abu saalax Nabhaan) oo Lagu waday in Weerar xoogan ku qadaan cidamaada Dowlada soomaaliya ee kusugan deegaanka Bul guduud oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan degmada Kismaayo sida ay sheegeen saarkiil katirsan wardoonka NISA.

saraakiil katirsan sirdoonka soomaaliya ayaa sheegey in xarunta laduqeeyey lagu uruurinayey cidamo garaya 543 Askari.

Saraakiishan oo magacooda qariyey ayaa tibaaxey in duqeynta Jilib lagu diley ugu uguraan 310 askari waxeyna ka gaabsadeen tirada dhaawaca ayagoona sheegey in aan hada laqiyaasi karin dhaawaca maadaama xilli habeen tahay balse 310 askari hagoob wada joogeen.

Saraakiisha ayaa intaa ku darey in askarta laduqeeyey kamid ahaayeen 5 sargaal oo muhiim ahaa kuwaas oo dhalasha ahaan kasoo kala jeeday wadamada afganistaan, Yemen, Sudan Jarmal iyo suuriya.

Degmada Bu ale ayaa waxa lagu dilay sargaal sare oo Amniyaatka Al shabaab mudo 10 sano ka soo tirsanaa kaso lagu magacabayay Abdirashiid Raage waxa la dhintay darawalkiisa xiliga duqayntu dhacaysay ayaa lasheegey in ay gaari ka dagayeen oo xiligaasi safar kayimaadeen

Duqeynta bu’aale ayaa lasheegey in ay dhacdey salaadii cishaha kadib halka tan jilibna dhacdey cabaarey 11:20 habeenimo oo saqda dhexe udhoweed.

Duqeynta ayaa saraakiisha sheegeen in ay fuliyeen ciidamada huwanta mareykanka iyo kuwa faransiiska kuwaas oo la rumeysan yahay in ay kasoo kala duuleen beledoogle iyo D’jabuuti.

Dowlada soomaaliya ayaa kordhisey duqeymaha loo geysanaayo Deegaanada ay ka arimiyaan ururka alshabaab ayadoo kaashaneysa qaar kamid ah dowladaha reer galbeedka oo ugu horeeyo mareykanka.

Wixii kusoo kordha dib ayaan idnka soo gudbin doonaa

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!