Dumar nadaafadda ka shaqeeya oo lagu qarxiyey Muqdisho

Mareeg.com: Waxaa goor dhow qarax miino ka dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodon, halkaasoo ay ka howlgelayeen haween ka shaqeeya nadaafadda.

Warar horudhac ah oo baxay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 haween ah ay qaraxaas ku geeriyoodeen, halka dhaawaca tiradiisan aan weli laga warheyn, balse loo qaadayo isbitaallada.

Gudoomiyaha degmada Hodon iyo taliska booliska degmadaas aya gaaray goobta uu ka dhacay qaraxaan.

Ilaa hadda lama oga in qaraxaasi ahaa mid haraadi ah iyo inuu ah mid loo qasday eel ala beegsaday dumarkaas.

Horay ayaa dhowr jeer ooh ore loo qarxiyey dumar ka shaqeynayey nadaafadda jidadka Muqdisho.

Wixii soo kordha inshaa Allaah kala soco: Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245