Deg Deg: Dr Buuralne oo lagu dilay Muqdisho

Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay Dr Buurane oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed kuwa caansan.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Albaraka ee degmada Hodan, lamana oga sababta ka dambeyso in la dilo dhaqtarka oo muddo dheer u adeegayay bulshada Soomaaliyeed.

Dhakhtraka ayaa muddo sanado ah u shaqeynayay bulshada isagoo caan ku ahaa daaweynta cuduada ku dhaca maqaarka.

Lama oga cida dishay iyo sababta ka dambeysa dilkiisa, waxaana xusid mudan in dilkiisa uu ku soo aaday xili xaalad siyaaasadeed oo halis ah ay ka taagantahay Muqdisho.

Al shabaaab ayaana inta badan fulisa dilalka nuucaan oo kale ee loo yaqaano madax jebiska.

Muqdisho-Somalia