Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland Oo Heshiis Ku Gaaray Dalka Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland Oo Heshiis Ku Gaaray Dalka Turkiga

Istanbul- Mareeg.com: Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gebagebeeyey wadahadal 4 maalmood halkaas ku dhex maray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Labada dhinac ayaa sheegay iney ku heshiiyeen dhowr qodob, waxaana heshiiskaas ka hadlay labada wasiir ee kala hogaanimaya labada wafdi ee kala ah wasiirka amniga Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha debadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Waxyaabaha lagu heshiiyey ee labada wasiir isla qireen ayaa waxaa ka mid ah in labada dhinac aad uga xunyihiin dhibaatadii ku dhacday dadka ku dhaqan gobollada woqooyi galbeed ee Soomaaliya ee ay geystay dowladdii milateriga ee uu hogaaminayey Jen. Maxamed Siyaad Barre.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey qorshe hadda kadib ay kusii socon doonaan wada xaajoodka labada dhinac.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in la sameeyo xafiis joogto ah oo ka shaqeeya wadahadalka labada dhinac, kazoo xarrun aka dhiganaya Turkiga, sidaa waxaa sheegay wasiirka arrimaha debadda Somaliland Maxamed Biixi.

Sidoo kale, waxyaabaha labada dhinac ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in labada dhinac kaashan karaan khubaro ajnabiga iyo iney warbixin siiyaan hay’adaha caaliga ah oo lala socodsiiyo halka wada hadalku marayo.
Faafhinta uu buuxda Insha Allaah gadaal ayaan kazoo gudbin doonaa

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!