Deg Deg: Doorashadii Afisiyooni oo lagu kala baxay iyo garabka Mahdi Guuleed oo isdoortay

Read Time:39 Second

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee dalka garabka uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni.

Doorashadaan ayaa timid ka dib markii garabkii Cabdi Xaashi maanta aysan soo xaadirin sababo la xariira tabasho ay qabeen.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray doorashada maanta, waxaana goobta ay ka dhacday ku sugnaa Wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Khadar xariir Xuseen, ayaa  noqday gudoomiyaha guddiga doorahada Soomaaliland iyada oo aysan goobta soo xaadirin Afartii Xubnood ee Gudoomiye ee uu soo magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Guud ahaan waxaa fashilmay wadahaladii socday ee ku saabsanaa xal u helista Arrimaha doorashooyinka.

Garabka Cabdi Xaashi ayaa lagu waddaa in dhankooda ay doortaan guddoon Saacaddaha soo socda.

Muqdisho-Somalia

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %