Doodii mooshinka oo dhamaatay iyo Jawaari oo dhaariyey Xogheynta baarlamaanka

Read Time:37 Second

Mareeg.com: Waxaa goor dhoweyd soo gebageboobay dooda xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ka yeelanayeen mooshinka ka dhanka ah RW Cabdi Weli Sheekh Axmed, waxaana saacadaha dhow la filayaa in xukuumadda codka kalsoonida loo qaado.

Gudoomiye Jawaari ayaa wax ka yar ka hor 12:00 duhurnimo ee xilliga Muqdisho ka baxay hoolka shirka, si uu u dhaariyo xogheynta baarlamaanka oo laga doonayo iney si cadaalad ah u tiriyaan codadka xildhibaanada marka codka la qaadayo.

Dhanka kale, 2 xildhibaan oo ka hadlay baarlamaanka ayaa sheegay iney ka laabteen saxiixa mooshinkii ay wax ka diyaariyeen ee ka dhanka ahaa RW Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Lama oga sida ay ku dhamaan doonto natiijada cod u qaadista xukuumadda oo si weyn ay ugu kala duwan yihiin xildhibaanada.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.