DEG-DEG: Dooda Xildhibaanada Oo Dhamaatay & Codka Kalsoonida Oo Loo Qaadayo Saacid
Muqdisho, Mareeg.com: Waxaa goor dhow soo idlaatay dooda ay xildhibaanadii is qoray ka dhiibanayeen mooshinka ka dhanka ah R/wasaar Saacid.
Kulankan manta oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa hadda la gudo galay codeynta kalsoonida ee xukuumadda.
Waxaa maanta hadlay in ka badan 40 xildhibaan, kuwaasoo qaar taageeray R/wasaaraha, qaar kalana ka horjeesteen.
Haddii ay R/wasaaraha kalsoonida kala laabtaan 50% oo lagu daray 1 cod Saacid wuxuu weyn doonaa xilkiisa, hadii kale wuu sii joogi doonaa.
Hadda waxaa gudoomiyaha baarlamaanku tirinayaa xildhibaanadii saaka soo xaadiray Golaha shacabka, waxaana la hubinayaa iney wada joogaan iyo in qaarkooda meesha haatan ka maqan yihiin.
Wixii soo kordha kala Soco Mareeg.com Inshaa Allaah
Comments are closed.