Diyaarad rakaab ah oo ku burburtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Mareeg.com: Diyaaraqd rakaab ah ayaa galabta ku burburtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo siday ilaa 35 rakaab ah, kana soo kicitintay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista Soomaaliy, Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa xaqiijiyey burburka diyaaradda, wuxuuna xusay in dhamaan dadkii saarnaa ay ka badbaadeen shilkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in diyaaradda oo soo caga dhiganeysa ay soo wajahday cilad, taasina keentay iney la leexato dhabaha garoonka ee diyaaraduhu kusoo degaan, islamarkaana burburto.

“Diyaarad yar oo nuuca rakaabka ah oo siday 35 qof, kana timid Gaalkacyo ayaa ku burburtay gudaha garoonka Muqdisho, balse nasiib wanaag dhamaan dadkii saarnaa iyo shaqaalihii wey ka badbaadeen shilkaas” ayuu yiri wasiir Qoorsheel.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa ku guuleystay iney diyaaradda kazoo saaraan dhamaan dadkii la socday iyagoo bad qaba sida uu sheegay wasiirka duulista hawada Soomaaliya, Saciid Jaamac Qoorsheel.

“Garoonku hadda waa xiran yahay, waxaa laga shaqeynayaa sidii meel gaar ah loo geyn lahaa diyaaradaas, markaas kadibna garoonka dib ayaa loo furi doonaa” ayuu sidoo kale yiri wasiir Qoorsheel.

Diyaarad hub u siday Dowladda Federalka Soomaaliya oo laga lahaa dalka Ethiopia ayaa ku burburtay Garoonka Magaaladda Muqdisho bishii August ee sanadkii 2014.

Mareeg Meida

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245