DEG-DEG: Diyaarad ku dhacday deegaan Alshabaab maamulaan

Mareeg.com: Xarrakada Alshabaab ayaa sheegay iney hayaan diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ah (drone) oo ku dhacday deegaanka Ceel Bashiir oo ka tirsan degmada Buur-hakabo ee gobolka Baay.

Alshabaab waxey sheegeen in diyaaradda uu leeyahay dalka Mareykanka, ayna basaaseysay dhaqadhaqaaqayadood gobolka Baay.

Diyaaradda oo ah mid yar ayaa la sheegay ineysan gaarin waxyeello weyn, waxaana warbaahinta Alshabaab qortay iney la wareegeen qalab casri ah oo ku xirnaa.

Sanadkii hore ee 2014 ayay aheyd markii diyaarad nuucaan ah oo Mareykanku leeyahay ay ku dhacday deegaanka Iidaale oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245