DEG-DEG: Diyaarad dagaal oo Morocco leedahay oo lagu waayey dalka Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Diyaarad dagaal oo Morocco leedahay oo lagu waayey dalka Yemen

Mareeg.com: Diyaaraad dagaal oo ah nuuca F16 oo ay leeyihiin ciidamada cirka dalka Morocco ayaa lagu la’yahay dalka Yemen, iyadoo loo badinayo in lasoo riday.

War rasmi ah oo kasoo baxay ciidamada qalabka sida ee Boqortooyada Morocco oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ayaa lagu sheegay in diyaaraddaas la waayey gellinkii dambe ee axadda.

Warka ayaa lagu sheegay in diyaraadda  ay haleeleen hubka lidka diyaaradaha oo looga soo riday dhulka Yemen, iyadoo ka socotay diyaarad kale oo ah nuuca ah F16.

Warka kasoo baxay ciidamada cirka Morocco ayaa lagu sheegay in duuliyaha diyaaradda la socotay diyaaradda gentaalku haleelay uu kala sheegi waayey in beyloodku diyaaradda ka booday iyo inkale.

Milateriga boqortooyada Morocco ayaa sheegay inuu baaritaan ku hayo arrintaas, islamarkaana uu soo gudbin doono natiijada kasoo baxda.

Morocco oo ah dal Carbeed oo dhaca galbeedka Carabta, kana tirsan dalalka Woqooyiga Afrika, ayaa ka qeyb qaadaanayey duqeymaha xagga cirka ah oo uu hogaaminayo Sacuudiga ee tan tan iyo 26-kii bishii Maarso 2015 laagu qaadayey Xuuthiyiinta dalka Yemen iyo ciidamada Cali Cabdalle Saalax.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!