DEG DEG:-Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah faahin laga helay

Read Time:49 Second

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo duhurnimadii Maanta Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay qeyb kamid ah degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Dilkaas ayaa loo geystay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Nabadsugida gaar ahaan kuwa loo yaqaano dharcadda, xili ay ku sugnaayeen Isgoyska laba dhagax dhinaca degmada Warta-nabadda, iyagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in rag hubeysan oo watay Bastoolad ay toogeen Askarta, waxaana markii halkaas uu falka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo qaaday Meydadka.

Ragii hubeysnaa eek a dambeeyay dilka ayaa goobta ka baxsaday,  mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan dilkaas ka dhacay Isgoyska laba dhagax ee  degmada Warta-nabadda.

Maalmo kahor ayey markii degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir lagu dilay Afar Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dharcadda, xili ay ku sugnaayeen Buundooyinka, isla markaana ay weerar ku qaadeen dabley hubeysan, waxaana dilkaas sheegtay Al-shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %