DEG DEG:-Dil goordhow ka dhacay Muqdisho
War goordhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in Nin Oday ah lagu dilay inta u dhaxeeysa masjidyada Sheekh Cali Suufi iyo Biimaalow ee Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir.
Waxaa la sheegay in kooxo ku hubeysanaa bastoolado ay dilka u geysteen Ninka Odayga ah,isla markaana goobta ay ka baxsadeen ragii ka dambeeyay dilka .
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen Odayga,waxaana uu ku geeriyooday goobta.
Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray Goobta uu dilka ka dhacay,isla markaana halkaasi ka qaaday Meydka Ninka Odayga ah ee la dilay.
Dhinaca kale Warar qaar aan heleyno ayaa sheegaya in Ninkaan Odayga ah ee la dilay uu ka tirsanaa Wasaarada Qorsheynta ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Comments are closed.