DEG DEG:-Dil Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Read Time:57 Second

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saakay gudaha degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ku dilay laba Nin oo la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah, waxaana kasoo baxaya falkaas warar kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dilkaa uu ka dhacay xaafadda Xamar-jidiid ee degmada Warta-nabadda, isla markaana loo geystay labada Nin, xili ay ku sugnaayeen halkaas, iyagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, iyagoona qaaday Meydadka labada Nin ee la dilay, kuwaasi oo loo qaaday dhinaca Xarunta CID-da.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in raggaas la dilay ay ahaayeen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabadsugida ee loo yaqaano dharcadka, in kastoo aan la xaqiijin.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa shalay ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Askar iyo dad shacab ah, waxaana sidoo kalena ka dhacay qarax khasaaro geystay oo lala eegtay Xildhibaano horey.

Inta badan dilalka iyo weerarada maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho ayaa waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab, waxaana xusid mudan in sigaar ah Caasimadda ugu soo badanayaan qaraxyada miino ee dhulka lagu aaso.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.