DEG DEG:-Dibad-baxyo looga horjeedo Axmed Madoobe oo bilowday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:-Dibad-baxyo looga horjeedo Axmed Madoobe oo bilowday

Wararka aan ka heleyno degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ka bilowday banaanbaxyo xoogan oo looga horjeedo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa banaanbaxyada ka dhanka ah Madaxweyne Axmed Madoobe abaabulayay Maamulka Gedo ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana haatan bilowday banaanbaxaas.

Boqolaal dad oo isugu jira Odayaal, dhalinyaro, Caruur iyo Haween ayaa isugu soo baxay Magaalada Garbahaarey iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gedo, iyadoona dadkaas ah kuwo kasoo horjeeda in Maamulka Gedo lagu wareejiyo Jubbaland.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigaya oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in aysan dooneynin Axmed Madoobe iyo maamulkiisa, iyagoono ku eedeeyay inuu dhibaateyn ka wado Gobolka.

Waxaa kaloo banaanbaxayaasha ay Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqeen in aysan hor fadhiisan Axmed Madoobe, iyagoona xusay in Madaxweynaha uu qeyb ka ahaa fashilka Shirkii Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay erayo looga horjeedo Wakiilka Qaramada Midoobay ee James Swan oo ay sheegeen inuu taageersan yahay Madaxweynaha Jubbaland, taasina aysan aqbli doonin, sidoo kalena aysan rabin Kenya Ciidanka Kenya ee ku sugan Gedo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.