DEG DEG:-Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxda ee Maanta dib u furmi lahaa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG:-Dib u dhac ku yimid Shirkii Madaxda ee Maanta dib u furmi lahaa

Shirkii u dhexeeyay ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee Maanta lagu waday inuu dib uga furmo Teendhada Afisyooni ayaa dib u dhac ku yimid, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka SONNA.

Sababta dib u dhaca Shirka Madaxda ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta safarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu shalay ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Madaxda ayaa ayaa la filayaa in shirka ay isugu soo laaban doono maalinta barri ah 7- da Bisha, isla markaana ay sii wadi doonaan shirka oo looga hadlayo ajendayaasha Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ee ka furmaya Afisyooni maalmaha soo socda.

Shirka Madaxda ee u socday sabtida iyo Axada ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, waxaana shalay oo Isniin aheyd hakad galay shirka Madaxda, kadib markii uu safar aaday Madaxweyne Qooqoor oo deegaanadiisa ka maqnaa 45 cesho.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada cadaadis xoogan ku saareysa inay heshiis rasmi ah ka gaaraan khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.