DEG-DEG: Dad farbadan oo ku sumoobay biyo ay cabeen xaafadda Juungal ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Dad farbadan oo ku sumoobay biyo ay cabeen xaafadda Juungal ee Muqdisho

Mareeg.com: Dad farabadan ayaa ku somoobay biyo ay cabeen xaafadda Juubgal, degmada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegay iney jiraan ilaa 10 ruux oo dhintay biyaha Ceel ku yaalla xaafadda Juungal, agagaarka Hootel Ramadan ee magaalada Muqdisho.

Dad kala duwan oo ay Mareeg Media la xiriirtay ayaa u sheegay in dadkii ugu horreeyey xalay lasoo dhaceen shuban iyo matag, ilaa haatana ay jiraan dad soo dhacaya.

Waxaa sakaa xaafadahaas gaadiidka degdeg ah ee Ablamaasta loo yaqaano ka daad gureeyeen dad aad u fa badan, waxaana la dhigay Isbitaalo uu ka mid yahay SOS.

Goobjooge ku sugan xaafadda Juungal oo ay ka mid ah macaamiisha ceelkan biyahiisu sumoobeen ayaa Mareeg.com u sheegay in shirkadda u adeegsanseysa cod baahiyaal ay saaka dadka ku wargelisay ineysan cabin biyaha ugu jira foostooyinka ama kuwa haraadiga ah ee tubooyinka ka socda.

Waxaa saaka Xaafadda Juungal ka taagan biyo la’aan baahsan, iyadoo ceelka biyahiisu sumobeen uu ahaa ceelka 1-aad ee biyihiisa laga cabo Juungal iyo xaafadaha ku dhow.

Lama oga sababta keentay in ceelkaan sun gaarto, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay shirkadda iska leh ceelkaan oo lagu magacaabo Ramadaan.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.