Codka loo qaadayo xukuumadda RW Cabdiweli oo bilaabatay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Codka loo qaadayo xukuumadda RW Cabdiweli oo bilaabatay

Mareeg.com: Waxaa goor dhaweyd xarrunta Golaha Shacabka ka bilaabatay codka kalsoonida ee loo qaadayo xukuumadda RW Cabdiwlei Sheekh Axmed.

Waxaa baarlamaanka fadhiya 235 xildhibaan oo ka mid yihiin gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Gudoomiye Jawaari ayaa ku dhawaaqay in 232 xildhibaan ay xaadir yihiin, hase ahaatee ay codeyn doonaan 235 xildhibaan oo ay ku jiraan Labada kuxigeen ee Gudoomiyaha baarlamaanka iyo hab-dhowraha.

Xildhibaanada ayaa saf saf u codeynaya, waxaana bilaabatay codeynta safka koowaad oo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu weydiinayo inta taageersan in mooshinka ee xukuumada in kalsoonida lagala noqdo.

Ka hor inta aysan bilaabn cod bixinta ayaa Prof. Jawaari dhaariyey xogheynta ku shaqada leh tirinta codadka, iyadoo lagu dhaariyey iney si cadaalad ah u tiriyaan codadka.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.