DEG-DEG: Codeynta Doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Bilaabatay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Codeynta Doorashada Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Bilaabatay

Garowe, Mareeg.com: Cod bixinta doorashada madaxweynaha maamulka Puntland ayaa goor dhow ka bilaabatay xarrunta golaha Wakiilada maalukaas ee magaalada Garowe.

Xildhibaanada waxa dooranaya ayaa ka kooban 66 xildhibaan, waxaana codka lagu ridayaa 3 sanqduuq oo guddiga doorashu hubiyeen inaan waxba ku jirin ka hor bilaabashada codbixinta.

Guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Puntland Saadiq Abshir ayaa sheegay in doorashadu ay u dhacayso cod qarsoodi ah oo uu xildhibaan kasta loo dhiibayo warqad uu ku soo qoraya murrashaxa uu doonayo in xilka Madaxweynenimo ee shanta sanno soo socota qabta.

Saadiq Abshir ayaa sheegay in wareegga 1-aad ee cod bixinta uu ku guuleysan doono musharraxa hela 44 cod, haddii qof ka mid ah heli waayo intaas codna heli waayana la geli doono wareeg kale.

“Haddii wareegga koowaad uu murashax ka mid ah 11-ka musharraxiinta ah uu helo codad gaaraya saddex meelood labo meel oo ah 44 cod uu si rasmi ah u noqonaya Madaxweynaha rasmiga ah ee jagada ku guulesytay, laakiin haddii ay taasi dhici wayso wareeg kale ayaa la galayaa” ayuu yiri Saadiq Abshir.

Musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa kala ah:

1- Cali Xaaji Warsame
2- Cabdiweli maxamed Cali Gaas
3- Cali Cabdulqaadir Yusuf
4- Cabdiweli Maxamuud Gurey
5- Shire Xaaji Faarax
6- Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
7- Cabdullaahi Siciid Samanter
8- Maxamed Cabdinuur Xirsi
9- Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey
10- Cali Cabdi Awaare
11- Cadbiraxmaan Maxamed Faroole

Haddii doorashada madaxweynuhu dhamaaato waxaa ku xigi doona doorshada madaxweyne ku xigeebka oo ay u tartamayaan xubnaha kala ah:
1- Gen.Cabdisamad Cali Shire
2- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade
3- Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)
4- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
5- Maxamuud Caydiid Dirir
6- Daahir Khaliif Maxamuud
7- Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane
8- Maxamed Xirsi Ducaale
9- Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar
10- Xuseen Xaaji Xasan

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!