Deg Deg: Ciidamada PSF-ta oo guulo ka gaaray dagaalka iyo gawaari dagaal oo lagala wareegay ciidamada Deni

Read Time:43 Second

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal xoogan wali ka socda kaa oo u dhaxeeya ciidamo daacad u ah Saciid Deni iyo kuwa PSF-ta.

Weerarka waxaa markii hore soo qaaday ciidamada madaxtooyada Puntland kuwaa oo xalay dhaqdhaqyo ciidan kawaday magaalada iyagoo ujeedkoodu ahaa in lasoo afjaro ciidamada PSF-ta.

Sawiro iyo muuqaalo lasoo duubay oo nasoo gaaray ayaa lagu muujiyay in gawaari dagaak iyo qoryo iney ka carareen ciidamada madaxweynaha Puntland waxaana la wareegay ciidamada PSF-ta.

Dhanka kale dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inuu u muuqdo mid usii siqaya dhanka garoonka diyaaradaha Boosaaso halkaa oo la sheegay iney noqon doonto meesha ugu adag ee dagaalka ka dhici doono.

Saciid Deni ayaa ku sugan magaalada Baydhabo waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in lagu wargeliyay in ciidamadiisa ay ku jabeen magaalada Boosaaso.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %