Ciidamada Somaliland oo duulaan ku qaaday degmada Taleex

Read Time:1 Minute, 2 Second

Taleex – Mareeg.com: Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Soomaaliland oo ay wehliyaan maleeshiyaad kasoo jeeda gobalka Sool, ayaa saaka u dhaqaaqay dhan degmada Taleex, waxeyna gaareen buuraha ku hareereysan degmadaas oo hada xarun u ah maamulka Khaatumo State.

Ciidamada Soomaliland iyo maleeshiyaad deegaanka oo wata ilaa 100 gaadiidka dagaalka ah ayaa la sheegay iney doonayaan iney la wareegaan gacan ku heynta degmada Taleex.

Wararka ka imaanaya degmada Taleex ayaa sheegaya in maleeshiyaadka taageera maamulka Khatumo ay isaga baxeen degmada, iyadoo aysan ciidamada Somaliland weli gaarin.

Ciidamada Soomaaliland ayaa hada xoogooda ku sugan deegaanka Goodaale oo qiyaastii dhanka waqooyi 50-km uga beegan degmada Taleex.

Magaalada Taleex ayaa laga dareemayaa xiisad iyo xaalad dagaal kadib markii la ogaaday imaanshaha ciidamada ka yimid dhinaca Xudun iyo Oog.

Maamulka Khaatumo ayaa bilihii lasoo dhaafay sheegayey in magaalada Taleex lagu qaban doono shirweyne lagu magacaabi doono maamul rasmi ah ee Khaatumo.

Maamulka Puntland ayaa dhankiisu sheegta in Taleex ka mid tahay deegaanada hoos yimaadda maamulkaas, waxaana gobolka Sool kazoo jeeda madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim C/llaahi Camey.

Lama oga waxa xigi doona dhaqaaqa ciidamada Somaliland u sameeyeen dhanka degmada Taleex, halkaasoo ay wada tirsanayeen ilaa 3 qolo oo kala duwan oo ah: Puntland, Khatumo iyo Somaliland.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.