DEG DEG:- Ciidamada dowlada iyo kuwa mareekanka oo isaga baxay deegaanka sanguuni

Read Time:48 Second

Sanguuni ( Mareeg News ) Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in ciidamadii dowladda, kuwa Jubbaland iyo askartii mareykanka ay isaga baxeen deegaankaas, kaddib weeraro saacadihii la soo dhaafay ay wajahayeen.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya in ciidamada oo wata gaadiidkooda dagaalka ay dhanka wadada laamiga ee Kismaayo aada ay u baxeen.

Ciidamada ayaa waxaa wehlinayay gawaarida gaashaaman, sidoo kale waxaa la arkayay diyaarado Helicoptero ah oo kor ka ilaalinayay.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii maalin ka hor weerar ka dhacay deegaankaas lagu dilay askari Mareykan ah, halka afar kale lagu dhaawacay.

Sidoo kale maalintii shalay ayaa waxaa agagaarka saldhigga ay degenaayeen Ciidamada ka dhacay weerar is qarxin ahaa oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Kenyan ah ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday deegaanada waqooyi ka xiga magaalada Kismaayo, halkaasoo ay aad ugu xooggan yihiin Al-Shabaab.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.