Ciidamada dalka Sierra Leone oo si rasmi ah uga baxaya Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ciidamada dalka Sierra Leone oo si rasmi ah uga baxaya Soomaaliya

Mareeg.com: Ciidamada ka socda waddanka Sierra Leone ee galbeedka Afrika ayaa bilaabay iney gebi ahaanba isaga baxaan dalka Soomaaliya, iyagoo ka tirsanaa ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Kismaayo ayaa ka qeybgelay munaasabad lagu sagootinayey ciidamada ka socda Sierra Leone oo ku laabanaya dalkooda kadib muddo ku dhow 2 sano oo ay joogeen magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadda uga mahadceliyey dowladda Sierra Leone, isagoo u rajeeyey iney dalkooda si nabad ah ku gaaraan.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale dowladda iyo dadka Sierra Leone u rajeeyey inuu kasoo afjarmo cudurka halista ah ee Ebola.

Ibraahim Xasan Cabdi Baadiyow oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka KMG ah ee Juba ayaa warbaahinta u in Madaxweynaha uu u tagay Kismaayo in uu ka qayb galo sagootin loo sameynayo ciidamada Sierra Leone oo qayb ka ah AMISOM isla markaana dalkooda dib ugu laabanaya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta na soo gaaray isagoo hogaaminaya wafdi gaaraya ilaa 180 xubnood oo isugu jira, wasiirro, xildhibaano iyo odayaal” ayuu yiri Ibraahim Xasan oo la hadlay KKN.

“Wuxuu madaxweynuhu Kismaayo u yimid labo arrimood, tan koowaad waa sagootinta ciidamada ka socda Sierra Leone oo dalkooda ku laabanaya, kadib markii ay muddo nala shaqeynayeen, arrinta labaadna waa arrimaha maamulka iyo sidii loo wada shaqeyn lahaa” ayuu sidoo kale yiri Wasiirka warfaafinta maamulka JUBA.

Mar wasiirkaas la weydiiyey in ciidamada Sierra Leone gebi ahaanba ka baxyaan Soomaaliya iyo cidda badaleysa ayuu ku jawaabay “Guud ahaan Soomaaliya wey ka baxyaan, ciidamo kale ayaa badeli doona oo ka socda dalalka Afrika, inkastoo hadda aanan dhihi karin dal hebel” ayuu sidoo kale yiri Ibraahim Baadiyow.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u diiday in kala badel lagu sameeyo ciidamada ka socda dalka Sierra Leone, kadib markii uu dalkaas xi sun uga dilaacay cudurka halista ah ee Ebola, arrintaas oo la sheegay in dowladda Sierra Leone ka carootay.

Sababta keentay bixitaanka ciidamada Sierra Leone ayaa lagu sheegay in la waayey ciidamo badela ciidamada haataan jooga, kadib markii kuwoo badeli lahaa loo joojiyey cabsi laga qabo cudurka halista ah ee Abola.

Ciidama dalka Sierra Leone oo ka koobnaa 850 askari ayaa yimid Soomaaliya, gaar ahaan Kismaayo biwlogii sanadkii 2013, iyadoo ciidamadaas aysan dhaqdhaqaaq weyn ka sameyn gobolka Jubada Hoose intii ay dalka joogeen.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!