Booqashadii madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho oo dib loo dhigay (Sababta?)

Mareeg.com: Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saaka oo jimco ah shaacisay in dib loo dhigay booqashadii madaxweynaha dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan uu ku imaan lahaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Afhayeenka mdaxweynaha Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in sababta dib loogu dhigay booqashada madxweynaha Turkiga ay tahay geerida ku timid boqorkii dalka Sacuudi Carabiya, Boqor Cabdalla Bin C/caziiz oo xalay geeriyooday.

Daa’uud Aweys ayaa sheegay in madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan uu Soomaaliya imaan doono marka ay soo dhamaato tacsida iyo aaska boqorka Sacuudiga.

Wuxuu sheegay iney sii socon doonto doonto qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha dalka Turkiga, inkastoo uusan shaacin waqtiga uu Muqdisho imaan doono.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiisha dowladda Turkiga ayaa shalay galab sheegay in qaraxii ka dhacay hotel SYL uusan wax ka badeli doonin jadwalkii booqashada madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245