Degmada Baraawe oo gacanta u gashay ciidamada dowladda & Amiosm * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Degmada Baraawe oo gacanta u gashay ciidamada dowladda & Amiosm

Mareeg.com: Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ayaa goor dhow si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta magaalad Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, kaddib markii halkaas uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo Al-Shabaab, sidaas waxaa xaqiijiyey guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii.

Siidii ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku dagaallantay gacan ku haynta magaalada, balse lagaga itaal roonaaday, isla markaana ay haatan ku sugan yihiin magaalada Baraawe ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada huwanta ah ayaa fariisimo ka sameeystay gudaha iyo duleedada magaalada, iyagoo baaritaano ay ku xaqiijinayaan amaanka ka wada halkaasi.

Gudoomiye Siidii ayaa sheegay in ay kulamo la qaadan doonaan bulshada ku nool magaalada Baraawe, ayna kala hadli doonaan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka magaalada.

Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Jimcaha waxay billowday inay isaga baxdo magaalada xeebta leh ee Baraawe oo noqoneysa magaaladii ugu dambeysay ee ay Alshabaab ku xoogganeyd.

Xarakada Alshabaab ayaa qiray in dagaal ka dhacay magaalada, hase ahaaatee weli kama hadlin gacan ba bixidda degmada Baraawe, waxeyna warbaahintoodu sheegtay iney magaalada dul heehaabayaan diyaarado dagaal.

Magaalada Baraawe oo 200-km Muqdisho kaga beegan Koonfureed ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahayd bartilmaameedka koowaad ee ay higsanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!