DEG-DEG: Ban Ki Moon oo ka degay garoonka diyaaradaha Muqdisho (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Ban Ki Moon oo ka degay garoonka diyaaradaha Muqdisho (Sawirro)

Mareeg.com: Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor kazoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo UN-ka ayaa wafdiga Ban Ki-moon ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha.

Ban ayaa lagu wadaa inuu madaxda Soomaalida kala hadlo xaaladda siyaasadda dalka iyo abaarta ka taagan qeybo ka tirsan dalka. Ban waxaa socdaalkiisa ku wehliya Guddoomiyaha Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim.

Booqashada Xoghayaha Guud ayaa ku soo beegantay xilli guulo laga gaaray dagaalka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay kula jiraan Al-Shabaab. Sidoo kale booqashadiisa ayaa ku soo aadday iyadoo xaalad bin’aadannimo oo adag ay ka taagan tahay qeybo badan oo ka tirsan dalka.

Qeybo badan oo ka mid ah wadooyinka Muqdisho ayaa la xiday, halka qaarna ciidamo la dhoobay, halka si weyn loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waa markii labaad oo Ban Ki-Moon uu imaanayo Muqdisho, isagoo horay u yimid bishii December ee sannadkii 2011 xilligaasoo ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!