DEG-DEG: Baarlamanka Soomaaliya Oo Kalsoonida Kala Laabtay R/wasaare Saacid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG-DEG: Baarlamanka Soomaaliya Oo Kalsoonida Kala Laabtay R/wasaare Saacid

Muqdisho, Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa galabta codka kalsoonida kala laabtay R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo xilkaas hayey muddo wax yar ka badan hal sano.

Dooda baarlamaanka oo socotay sadex maalmood ayaa maanta si kama dambeys ah go’aan uga gaaray R/wasaare Saacid, waxaana natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari.

Waxaa codeynta ka qeybgalay ilaa 249, waxaana kalsooni kala laabashada Saacid u codeeyey ilaa184, waxaa R/wasaaraha taageeray65, ma jirin cid ka aamustay, sidaas ayayna ku dahcday xukuumaddii Saacid.

Codeynta ayaa aheyd gacantaag aad looga taxadaray, oo safsaf loo tirinayey codadka xildhibaanada, islamarkaana saf kasta labo qof ay soo qorayeen oo hadii ay si waafaqi waayeen tirooyinka ay keeneen dib loogu noqnayey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa looga fadhiyaa inuu R/wasaare cusub kusoo magacaabo muddo 30 maalmood ah.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!