Muqdisho, Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maaanta cod aqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed Maxamed oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu manta Mudanayaasha Baarlamaanka.
Kulanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay oo codeeyey 243 xildhibaan, waxaana codka kalsoonida R/wasaare C/weli Sheekh Axmed siiyey 239, waxaa diiday 2 xildhibaan, halka 2 kale kaa aamuseen, sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari.
Inta aan kalsoonida la siin R/wasaare C/weli ayaa waxaa hadal ka jeediyey golaha shacabka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare C/weli.
Mareeg.com