Baarlamanka Soomaaliya Oo Diiday In Raysal Wasaaruhu Tago Xarrunta Golaha Shacabka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday in Ra’iisul Wasaaraha uu tago xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho si uu Ra’iisul Wasaaraha isaga difaaco eedeymaha loo jeedinayo, kadib cod gacan tag ah oo loo qaaday.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee diiday inuu yimaado Ra’iisul Wasaaraha xarunta Golaha shacabka, ayaa waxa ay gaarayaan 141, Xildhibaan, halka 7-Xildhibaan ay ogolaadeen inuu yimaado Golaha shacabka, sideed Xildhibaana wey ka aamuseen halka 75-Xildhibaana aysanba codeyn.

Codeynta Xildhibaanada Kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaaraha uusan imaaneyn Baarlamaanka Soomaaliya lana siiwadayo dooda ku aadan mooshinka, maadaama tirada diiday in Ra’iisul Wasaaraha uu yimaado baarlamaanka ay bateen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Guddoonka Baarlamaanka ka dalbaday inuu tago xarunta Golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeymaha ay ujeedinayaan Xildhibaanada mooshinka ka keenay Ra’iisul Wasaaraha.Dooda Xildhibaanada ayaa ah mid aad uxasaasi ah welina ka socota xarunta Golaha shacabka.