DEG-DEG: Baarlamanka oo codka kalsoonida kala noqday RW Cabdiweli & Xukuumadiisa

Read Time:30 Second

Mareeg.com: Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida kala noqday RW Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Baarlamaanka oo ay goobjoog ka ahaayeen 235 xildhibaan ayaa waxey 153 xildhibaan codka kalsoonida kala noqdeen xukuumadda, halka ay 80 codka siiyeey, iyadoo 2 ka aamuseen.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ku dhawaaqay natiijada cod qaadista, wuxuuna sheegay in RW Cabdiweli iyo xukuumadiisu dhaceen.

Madaxweyne Xasan ayaa laga sugayaa inuu muddo 30 maalmood gudahood ah kusoo magacaabo R/wasaare Cusub.

C/weli Sheekh Axmed ayaa noqonaya R/wasaarihii labaad ee baarlamaanka kursiga ka tuuro intuu uu madaxweyne ahaa Xasan Sheekh Maxm’ud.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %