Axmed Daaci oo isu dhiibay dowladda Soomaaliya (Xagee La Geeyey?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Axmed Daaci oo isu dhiibay dowladda Soomaaliya (Xagee La Geeyey?)

Mareeg.com: Wararka goor ay heshay Mareeg Media ayaa sheegaya in gudoomiyihii hore degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadow (Daaci) oo saaka maleeshiyo isaga taageersan ay dagaal la galeen ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya iyo AMISOM uu isu dhiibay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay shabakaddan in Axmed Daaci iyo qaar ka mid ah maleeshiyadii la socotay la geeyey xarrunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Axmed Daaci ayaa Villa Somalia ku tegay dedaal uu sameeyey sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya, kaasoo ah Col. C/llaahi Macallin Nuur.

Gadaiid ay leeyihiin milateriga Soomaaliya oo uu hogaaminyo taliyaha Saadka Milateriga Soomaaliya, Col. C/laahi Macallin Nuur ayaa Axmed Daaci geeyey madaxtooyada, iyadoo aysan dowladdu weli bixin war rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.

Axmed Daaci oo xalay ay gurigiisa degmada Wadajir ku weerareen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si hubka looga dhigo ayaa ka baxsaday gudrigiisa, iyadoo la sheegay in markaas kadib wadaxaajood lagu geeyay Villa Somalia.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!