DEG DEG:- Argagax iyo kala carar ka taagan mid kamid ah Isgooyada Ugu Mashquulka badan Xamar.

Read Time:45 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada ka tirsan dowladda ay xireen dhammaan wadooyinka gala Isgoyska Imporotio Ceelgaabta ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa Isgooskaasi gaaray kadib markii lagu soo war galiyay Gaari nooca raaxada ah oo looga shakisan yahay in laga soo buuxiyay Qaraxyo oo lasoo dhigay Bartamaha Wadada.

Ciidamada ayaa jaray dhammaan waddooyinka waxaana isticmaalka wadada loo diiday gawaarida iyo dadka shacabka ah ee cagahooda maala, waxaana xusid mudan in dadka shacabka ah ay ka kala cararayaan goobta

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaariga uu goobta yiilay muddo ku dhow Saacad waxaana aad looga cabsi qabaa inay ku xiran yihiin Qaraxyo.

Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana jira digniino la xiriira in maleeshiyaadka al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro lagu baneysanaayo dhiiga shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, dadka magaalada Muqdisho ayaa aad uga walaacsan falalka amni darro ee kusoo badanaya caasimada.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %