Mareeg.com: Xarakada Alshabaab ayaa maanta weerar is-qarxin iyo mid toos ah ku qaadday xarrunta madaxtooyada magaalada Baydhabo, halkaasoo uu ku sugnaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam iyo xubno ka mid ah maamulkiiisa.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari isku qarxiyey albaabka madaxtooyada Baydhabo, waxaana markaas kadib rag hubeysan rasaas ku bilaabeen xarrunta.
Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay in ay damacsanaayeen iney gudaha u galaan Madaxtooyada, hase ahaatee waxey iska caabin kala kulmeen ilaalada madaxtooyada iyo ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ee halkaasi ku sugan.
Kadib iska-horimaad qaatay wax ka badan hal saac ayaa ugu dambeyntii Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysteen inay soo afjaraan weerar qorsheysanaa oo Al-Shabaab ku qaaday xarunta Madaxtooyada koonfur galbeed ee Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa hadda dadka geeriyooday ay gaarayaan 6 qof oo u badan ragii weerarkaasi soo qaaday, iyadoo uu jiro dhaawacyo soo gaaray saraakiil iyo ciidan goobta ku sugnaa.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.