
Read Time:23 Second
War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Mareeg.com ayaa sheegaya in uu is casilay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa warqada iscasilaadiisa u gudbiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana la sheegay in R/Wsaaaraha uu aqbalay is casilaada Wasiirka.
Sida aan Wararka ku helnay Wasiirka Gaashaandhiga ayaa is casilaadiisa lagu macneeyay arimo shakhsi ah, waxaana is casilaadan ay timid kadib markii uu soo dhaaday shirka golaha Wasiirada.