Deegaanno hoostaga gobolka Awdal oo abaaro darteed loogu dhintay “SAWIRRO” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Deegaanno hoostaga gobolka Awdal oo abaaro darteed loogu dhintay “SAWIRRO”

Ugu yaraan 4 Qof ayaa xaalado abaareed ugu geeriyootay deegaanno hoostaga gobolka Awdal, xilli abaaro baahsan ay ka jiraan gobollada Waqooyi ee Dalka

Wariye Sucaad Jaamac Qalinle oo ka howlgasha Telefishinka Kalsan, isla markaana la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in socdaal ay koox wariyeyaal ku tegeen deegaanno hoosta Gobolka Awdal ay ku soo arkeen dad iyo duunyo uu saameeyay abaaraha ka dhuftay qaar ka mid ah gobollada dalka.

“Safar qaatay 48 saacadood ayaan ku soo marnay deegannada ay abaartu saamaysay ee kala ah Quljeed, Boon, Xariirad, Habaas, Cali Xaydh. Ceelbaxay iyo deegaanno kale oo badan oo ka mid ah Gobolka Awdal, waxaana deganadaas ka jirta dhibaato aad u liidata oo sababtay dhimasho dad u dhintay gaajo iyo haraad, haweenku qaar jidadka ayay ku umuleen, waxaan kaloo arkay hooyo wadatay carruur oo ii sheegtay in qaarkood gaajo iyo biyo la’aan darteed uga dhinteen” ayay tiri Wariye Sucaad.

Wariye Sucaad Jaamac Qalinle ayaa sheegtay in maamulka Gobolka Awdal uu dadka qaar gaarsiiyey cunto, inkasta oo aysan dabooli Karin baahida heysata dadka ay abaaruhu saameeyeen,awdal1awdal3xolo

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.