Deegaannada dagaaladu ka dhaceen ee G.Hiiraan oo saaka degan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Deegaannada dagaaladu ka dhaceen ee G.Hiiraan oo saaka degan

Maxaas ( Mareeg.com)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Udugleey oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo Shalay ay ku dagaalameen labo Maleeshiyo Beeleed oo halkaas wada degan ayaa Xaaladda deegaankaas tahay saaka mid degan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Max’ed Macow  Xalane  ayaa sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay geeyeen deegaanka lagu dagaalamay.

Max’ed Macow Guddoomiyaha Degmada Maxaas ayaa shaaca ka qaaday in u jeedka Ciidamada dowladda Federaalka loo geeyay ay tahay si ay uga hortagaan dagaallo dhiig uu ku daato oo dib halkaas uga dhaca.

Dhinanaca kale maamulka Gobollada dhexe ee Ahlusunna ayaa Masuuliyiintooda waxa ay sheegeen in deegaanka Udugleey ay geeyeen Ciidamo kuwooda ah oo ay ku sheegeen in dhex dhexaadin ka dhex sameynayaan dhinacyada halkaas ku diriray

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!