Deg Deg:Qarax ka dhacay inta u dhaxeyso Hotel Maka Al-Mukarama ilaa Gurigii Shaqaalaha.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay Jidka weyn ee maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho,waxaa qaraxa kadib la maqlay rasaas.

ilaa hada si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaan

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Hotelka Maka Al-Mukarama ilaa Gurigii Shaqaalaha.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa ku yaalla hotelo iyo goobo ganacsi ah, waana wado aad loo isticmaalo.