Kismaayo – Mareeg.com: Bannaanbax uu soo qabanqaabiyey maamulka Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo, laguna taageerayey joogitaanka ciidamada Kenya ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Dadka ka qeybgalau banaanbaxa ayaa watay boorar lagu qoray afafka Soomaaliga, Ingiriiska iyo Sawaaxilga, waxaana boorarkaas dhamaan lagu qoray erayo lagu taageerayo joogitaanka milateriga Kenya ee Jubooyinka.
Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka, Suldaan Cabdulqaadir Luga-dheere, Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba, Maxamed Warsame Darwiish iyo wasiirka arrimaha bulshada Maxamed Ibraahim Maxamuud ayaa dadka boorarka sitay kula hadlay garoonka kubbadda cagta Waamo.
Mas’uuliyiintaan ka tirsan maamulka Juba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in ciidamada Kenya sii joogaan gobollada Jubooyinka si usii wadaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Mas’uuliyiinta ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ciidamada Kenya ay ku sii nagaadaan deegaannada Jubbooyinka, kuwaas oo suurta-galiyey in Al-Shabaab laga saaro magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.
Banaanbaxyo nuucan oo kale oo ay qabanqaabiyeen maamulka Juba ayaa ka dhacay Afmadow, deegaanka Dhoobleey, Qooqaani iyo deegaano kale, waxaana dadkii goobahaasi isugu soo baxay ay ku siteen boorar ay ku xardhanyihiin halku dhigyo taageeraya ciidamada Kenya iyo sii joogitaankooda Jubooyinka.
Dalka Sierra Leone ayaa horraanta bisha February lagu wadaa inuu hoggaanka Waaxda 5-aad ee Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kala wareego taliyaha ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.
Mareeg.com