Debadbax rabshado wata oo ka dhacay Boorame (Maxaa soo kordhay?) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Debadbax rabshado wata oo ka dhacay Boorame (Maxaa soo kordhay?)

Mareeg.com: Mudaharaad rabshado wata ayaa maanta gilgilay magaalada Boorama ee gobolka Awdal kadib markii Ciidanka Boolisku xiray Cabdiraxmaan Shide Bille,oo mudo ilaa 6 Sano ah Maayar ka ahaan jiray Magaalada Boorama.

Dadka mudaharaadayay oo u badan dhalinyaro ayaa jidadka halbawlaha ah ku gubay taayiro, iyadoo kadibna boolisku rasaas u adeegsaday. Ilaa hadda ma jiro khasaare dhimasho ah balse ilaa dhawr iyo toban dhalinyaro mudaharaadaysay ah ayaa xiran, iyadoo sidoo kalena la xiray saddex wariye oo ka kala tirsan telefishanada Universaltv iyo Bulshotv.

Ilaa hadda war rasmi ah kama soo bixin Mudaharaadkaasi, iyadoo aan xukumadduna wali wax war ah ka soo saarin.

Ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Awdal ayaa BBC-da u sheegay in Maayarka hore ee Boorama loo xiray arimo dhanka amaanka ah. Wax faahfaahin ah kama bixin balse waxa uu ku gaabsaday inuu falal amniga ka dhan ah uu faraha kula jiray.

Magaalada Boorame ayaa ah magaalo inta badan degan oo aysan ka dhacin rabshado.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More