Debadbax lagu taageerayo madaxweyne Xasan oo maanta lagu qabanyo Muqdisho

Read Time:38 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Dadweyne uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir, islamarkaana lagu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka kusii qulqulaya garoonka ciyaaraha Stadium Banaadir ama Koonis ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la adkeeyey amaanka garoonka lagu qabanayo debadbaxa, iyadoo la xiray wadooyinka garoonka soo gala.

Hadda waxaa garoonka ku sugan inta badan gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo intooda badan ah kuwa cusub, waxaana sidoo kale garoonka kusii qulqulaya dadweyne dadweyne ka kala socda 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Debadbaxa ayaa la filayaa iney ka qeybgalaan madaxda dowladda Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn cidda ka qeybgeli doonta.

Dhawaan ayaa in ka badan 100 xildhibaan waxey madaxweyne Sheekh ugu baaqeen inuu xilka ka dego kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.