Debadbax lagu taageerayo Cali Khaliif oo ka dhacay Laascaanood * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Debadbax lagu taageerayo Cali Khaliif oo ka dhacay Laascaanood

Mareeg.com: Banaanbax lagu Taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool. Magaaladaas waxaa maamula ciidamada maamulka Somaliland oo si weyn u diidan doorashada Cali Khaliif Galeyr.

Wararka laga helayo Laascaanood ayaa sheegaya in Dadka ku nool Magaalada markii ay maqleen in Cali Khaliif Galeyr uu ku guuleeystay Madaxweynaha maamulka Khatumo ay dhigeen Banaanbax lagu Taageerayo Guushiisa.

Dhawaaqa rasaasta culus ayaa si xad-dhaaf ah looga maqlay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaddib doorashadii maanta ka dhacday tuulada Saax-dheer oo 75-KM u jirta xarunta gobolka Sool.

Ciidamada maamulka Somaliland ay dadweynaha ku kala cayrinayaan raasaas culus oo cabsi-galisay dhamaan bulsho-waynta magaalada.

Lama sheegin illaa hadda wax khasaare ah oo shicibka bannaanbaxa Laascaanood kasoo gaaray banaanbaxaas.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.