Debadbax Lagu Taageeray Shaqo Ka Ceyrinta Xukuumadda Oo Lagu qabtay Muqdisho

Read Time:48 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Dad debadbaxayey oo sheegay iney taageersanyihiin isbadelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay ayaa maanta isugu soo baxay barxadda Taallada Sayidka ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Debadbaxayaasha ayaa lagu taageerayay go’aanka baarlamanka uu codka kalsoonida ugala laabtay xukuumadda uu hogaamiyo R/wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoranayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay u daneynayaan in la sameeyo isbedel, waxeyna sidoo kale wateen sawirada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa sheegay in aysan jirin cid soo abaabushay balse ay usoo banaan baxeen iney taageeraan isbedelka dhacay iyo go’aanka baarlamanka uu ku riday xukuumada ee ah iney shaqada ka tagto.

Ugu dambeyntii, dibad baxayaasha ayaa ka codsaday madaxweyne Xasan Sheekh in uu si deg deg ah usoo magacaabo xukuumad bixin karta mushaaradka shaqaalaha iyo ciidamada, islamarkaana gacan adag ku qaban karta kooxaha dagaalka kula jira Alshabaab.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %